HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo xilalka ka qaadayso qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Carabta iyo Afrika.

25.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Marwo Fowsiyo Xaaji Aadan oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa wada qorshe bedelaad ah oo ay ku doonayso in safiirada dowladda Soomaaliya u fadhiya dalal ka mid ah Afrika iyo Carabta.

Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji ilo ku dhow ayaa xaqiijinaya in Safiirada u fadhiya Dowladda Soomaaliya dalalka Sacuudiga, Kuweyd, Masar iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah safiirada u magacaaban la badalayo.

Waxaa la sheegay in Safiirada la badalayo qaarkood lagu eedeeyey arrimo la xiriira shaqooyinkooda oo ay ka gaabiyeen halka kuwo kalena eedeymo kale loo jeediyey taasoo sabab u ah baa la leeyahay in is badal lagu sameeyo safiiradaasi.

Sida wararku sheegayaan Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa wada qorshe Safiiradaasi Mas’uuliyiinta u magacaaban ugu yeeri doonto Magaalada Muqdisho si xilalkaasi looga xayuubiyo.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Wasiirada Arrimaha Dibada u gudbisay qorshahaasi Xafiiska madaxweynaha si xilalka looga qaado qaar ka mid ah Safiirada dowladda Soomaaliya u magacaaban dalal ka mid ah Afrika iyo carabta oo in ka badan 5 sanadood xilalkaasi haya.

Ugu danbeyntii Sharciga Diblomaasiyada ayaa qeexaya in Safiirka Dal u fadhiya dal kale aanu xilka Safiirnimo sii heyn Karin in ka badan 4 sanadood waxaana la filayaa in Safiiro cusub loo soo magacaabi doono Dalalkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.