HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Sheekh C/laahi Geelle oo mar kale lagu xiray Xabsiga Magaalada Hargeysa.

25.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Sheekh C/laahi Geelle oo ka mid ah wadaadada sida weyn looga yaqaan deegaanada maamulka la magac baxay Somaliland ayaa xalay ku hoyday mar kale Xabsiga Magaalada Hargeysa, ka dib markii Ciidamada Booliska maamulkaasi kala baxeen shalay gelinkii dambe Dugsi Qur’aan.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay in shalay gelinkii dambe guriga Sheekh C/laahi Geelle weerar culus ku qaadeen markii ay ka waayeena ku weeraray mid ka mid ah dugsiyo Qur’aan uu ka hirgeliyey Magaalada Hargeysa.

Sida wararku sheegayaan Sheekha waxaa lagu xiray xarunta Dembi barista ee CID-da Magaalada Hargeysa halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo wadaadkaasi oo horay Xisbi siyaasadeed lagu magacaabo Xizbulaah kaga dhawaaqay Hargeysa.

Ehelada Wadaadkaasi ayaa sheegay in xarigiisa ay soo amartay Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland, waxaana lagu eedeeyey Sheekha inuu weerar afka ah ku qaaday Siyaasada Xizbiga Kulmiye ee talada Somaliland iminka haya.

Sidoo kale wararka waxay intaasi ku darayaan in wadaadka xarigiisa sabab looga dhigay inuu doorashada dowladda hoose ee lagu qabanayo Deegaanada Somaliland ku tilmaamay inay yihiin kuwo xaaraan ah kana horjeeda Diinta Islaamka.

Waxaa lagu wadaa wadaadka in la horgeeyo Maxkamada, ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Sheekh C/laahi Geelle oo horay sidan oo kale loogu xiray Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Ugu dambeyntii wadaadka ayaa horay loogu diiday Xizbi lagu magacaabo Xizbulaah oo guddoomiye u yahay kaasoo markii dambe laga mamnuucay guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.