HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Jowhar.

25.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi kooxo hubeysan ku dileen Nin ganacsade ah.

Ninkan la dilay oo magaalada Caan ka ahaa ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyey kooxo hubeysan ay ku toogteen goob aan ka fogayn hoygiisa, waxaana wararku sheegayaan in goobta ka baxsadeen kooxahaasi.

Goobta lagu dilay Ninkaasi ganacsadaha ah oo aan ka fogayn gurigiisa Jowhar waxaa gaaray Ciidamada Xarakada Alshabaab iyagoo sameeyey howlgalo dadkii dilkaasi ka dambeeyey lagu baadi goobayo.

Dhinaca kale cabsi dagaal ayaa ka taagan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan.

Ugu danbeyntii waa markii ugu horaysay Nin ganacade ah lagu dilo Magaalada Jowhar tan iyo markii magaalada ay la wareegeen Maamulka Xarakada Alshabaab.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.