HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dowladda Soomaaliya oo ku howlan xalinta khilaafka Madaxda Galmudug.

25.Nov2012.HOMELANDMEDIA.NET.Iyadoo muddooyinkii dambe ay soo baxayeen khilaaf u dhaxeey.a Maamulka Galmudug State oo dhanka Madaxtinimada salka ku haya ayaa waxaa madaxda hogaanka isku haya magaalada Muqdisho ku casuumay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed isagoo marti qaadkaasina ku tilmaamay arrin lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug Cowke Xaaji C/raxmaan oo ah garabka Maxamuud Cabdi Cilmi Tima kala jeex kana mid ah wafdiga magaalada Muqdisho gaaray  ayaa sheegay in dhankooda iyo garabka Cabdi Qeybdiid uu hogaamiyo kuwa sugan yihiin Magaalada Muqdisho ka dib casuumaad ay ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho ka furmaya kullan la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada Garab ee Galmudug, lama oga inta maalmood kullanka uu socon doono waxaase la xaqiijiyey in maanta kullankaasi magaalada Muqdisho ka furmo doono si loo dhexdhexaadiyo labada garab ee Galmudug.

Khilaafka Galmudug ayaa la sheegay inuu door weyn ku leeyahay Madaxweynihii hore maamulkaasi Maxamed Axmed Caalim oo sheegay in xilka Madaxtinimada uu ku wareejiyey Tima kala jeex tasina ay abuurtay khilaaf siyaasadeedka ka taagan Maamulkaasi.

Ugu danbeyntii khilaaf siyaasadeedka maamulka Galmudug ayaa muddooyinkan sii xumaanayay kaasi oo soo bilowday wixii ka dambeeyey markii  xilka Madaxtinimada maamulkaasi la wareegay Col: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.