HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Qarax gil-gilay Xarunta Degmada Kismaayo.

25.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose waxay ku waramayaan in qarax aad u xoogan uu gil-gilay Xarunta Degmada Kismaayo xili halkaasi kullan xasaasi ah uga socday Saraakiisha iyo madaxda maamulka KMG ee Kismaayo.

Warar hordhac ah oo goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan ay ka dhaceen Xafiisyada Xarunta Degmada waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG jubada Hoose.

Wararka waxay sheegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen Cabdi Naasir Seeraar Afhayeenka Raaskambooni, Gacma Dheere ku xigeenka Degmada Kismaayo, Maxamad Xasan Dhugux ku xigeenka Arrimaha Bulshada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Xarunta degmada Magaalada Kismaayo, waxaa goobta isku gadaamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dadka iyo wariyayaashuba u diiday inay gudaha u galaan Xarunta Degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

 La soco warkan wixii ku soo kordha.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.