HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaxweynaha Soomaaliyaa oo la kulmay Wasiiradda Amaanka iyo Saraakiisha Ciidanka.

26.Nov.2012.HOMELADMEDIA.NET.Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kullan aan caadi ahayn Villa Somalia shalay kula yeeshay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Cusub, Saraakiisha Ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan waxaana kullankaasi goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Saacid.

Kullanka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu dalbaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga hadlay Arrimaha amaanka ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax badan looga qaban lahaa dhibaatooyinka Amaanka derida oo dalka ku soo batay.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaliya C/qaadir Diini ayaa ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in muhiimada ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalada lagula jiro Xarakada Alshabaab iyo sugida amaanka gobolada iyo degmooyinka ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale kullankaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka, Abaan duulaha  Ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka nabad sugida waxay dhammaantood sheegeen in wax laga qabanayo amaanka lana sii wadayo dagaalka Xarakada Alshabaab lagula jiro.

Madxweyne Xasan Sheekh oo gabagabadii kullanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey Laamaha Amaanka isagoo sheegay in habeen iyo maalin u taagan yihiin gudashada waajibaadkooda ka saaran.

Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday Xukuumadda Cusub in la dardar geliyo lana bilaabo howlaha adag, isagoo balan qaaday in uu ku taageerayo wixii u fudeynaya balamaha ay qaadeen laamaha Amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii kullanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyey noociisa Madaxweyne Xasan Sheekh la yeesho Laamaya Amaanka dalka Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.