HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ciidamada Puntland oo xalay Weeraray Masjidka Salaxudiin ee Waqooyiga Gaalkacyo.

26.Nov.2012.HOMELANDEDIA.NET.Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay weeraray Masaajidka Salaxudiin ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay kala baxeen dad ay ka mid ahaayen Culumaa’udiin.

Goobjooge ku suganaa Masaajidka xiliga dhacdadan ay dhacday ayaa sheegay inay gudaha soo gaaleen Ciidamada loo yaqaan PS-ta puntland waxayna Masaajidka ka qab qabteen dad badan oo ku sugnaa Masaajidkaasi.

Intii howlgalka Ciidamada uu ka socday masaajidka Salaxudiin waxaa qaraxyo iyo rasaas ka dhacay Magaalada xaalada ayaa noqotay mid cabsi iyo walwal wajahay dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xaalada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo xalay Ciidamada PS-ta Puntland howlgalka ka sameeyey Masaajidka Salaxudiin hadda degan iyadoo dadka ay hadal hayaan Ciidamada galay Masaajidkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.