HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dadka qaba Cudurka HIV/AIDS-ka oo ku badanaya Muqdisho (Warbixin).

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Dadka la nool Cudurka HIV/AIDS-ka ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya Magaalada Caasimada ah Muqdisho taasoo la sheegay inay laban laaban kor uga kacday tiradii sanadii laga soo gudbay ee 2011-kii.

Mid ka mid ah Dumarka qaba Cudurka HIV/AIDS-ka oo aan kula kulanay Isbitaalka Banaadir oo qeyb ka mid ah lagu xanaaneeyo dadkaasi qaba Cudurkaasi ayaa u warantay shabakada Homelandmedia.net.

“Xanuunka waxaa ka qaaday Ninkayga oo aan horay u kala tagnay markii aan isku noqonay wuxuu i qaadsiiyey cudurkaan sidaa ayaana xanuunkii ku qaaday waxaan tagay goob caafimaad oo Marka ku taala markaas baan xaqiiqsaday inaan Cudurka qabo, hadda dadka qaba ayaa ku soo badanaya Muqdisho” ayay tiri Gabadhaasi Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka Qaba Cudurka HIV/AID-ka.

Waxay sheegtay haweeneydan in dadka qaba Cudurkaasi kuna nool Isbitaalka Banaadir ay samaysteen urur u gaar ah iyadoo tilmaamtay in dadkaasi ay ku wada nool yihiin nolol wanaagsan marka laga tago cudurkaan alle qadarkiis asiibay.

Dadkaasi waxay intooda badadn qaataan Dawada Kaalmaatiga ah oo loogu talagalay in ay ilaaliso Difaaca Jirka ee sii dhamaanaya, waxaa jira dad badan oo qaba cudurka HIV/ADIS-ka oo aan wali loo bilaabin Dawooyinkaasi.

Sidoo kale dadka ku nool Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee aan qabin cudurkaasi aad ayey isaga baaraan guurka ka hor kana digtoonadaan wax kasta oo sababi kara in ay qaadaan Cudurkaassi taasoo ugu daran Galmada Sharci darada ah oo diinta Islaamka aan ku banaanayn.

Ugu danbeyntii Cudurka HIV/ADIS-ka ayaa ka mid ah cudurada halista ah ee ku dhaca dadyowga qaarkood gaar ahaan Zinada iyadoo ay jiraan habab kale oo lagu kala qaado Cudurka.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.