HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo lagu qaarajiyey Suuqaasi.

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka ka imaanaya Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in maanta bartamaha suuqaasi lagu qaarajiyey guddoomiyihii Ganacsatada Suuqaasi Axmed Nuure Ow-Diinle.

Sida wararku sheegayaan Guddoomiyaha iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa lagu toogtay bartamaha Suuqa Bakaaraha xili ay dhex mushaaxayeen, iyadoo goobtii lagu dilayna si nabad geliyo ah uga baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidii ka dambeysay dilka Guddoomiyihii Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaaraha Axmed Nuure Ow-Diinle.

Ciidamada Nabad sugida dowladda Federaalka soomaaliya oo gaaray goobta lagu dilay Guddoomiyihii Guddiga Ganacsatada ayaa halkaasi ka sambeeyey howlgalo baaris ah lamana soo sheegin inay soo qabteen kooxihii dilka geystay.

Ugu danbeyntii dhawaan ayay ahayd markii Afafka hore Xarunta Global ee wadada koowaad Suuqa Bakaaraha qarax lagu weeraray Gaariga Guddoomiyihii Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo miino loogu soo rakibay gaarigiisa balse ka badbaaday mana jirin dad wax ku noqday qaraxaasi.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.