HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Jabuuti.

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isagoo u ambabaxay dalka Jabuuti si uu halkaasi uga sii gudbo dalal kale oo Soomaaliya daris la ah qaarkood.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku tagaya magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti oo kullan sida la sheegay looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kula qaadanayo Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti doonayo inuu ku kulan siiyo dalka Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland Axmed Siilaanyo si ay u sii amba qaadaan arrimaha wada hadalka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka waxay intaasi sii raacinayaan in Mudane Siilaanyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ku gacan seyray Casuumaad uu u fidiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle lamana oga ilaa iyo hadda sababta uu u diiday Casuumaadaasi kaga timid Madaxweynaha Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud booqashadiisa Jabuuti waxaa safaro ku kala tagi doonaan dalalka Itoobiya, Turkiga isagoo socdaalkiisa ku soo gabagabayn doono Dalka Kenya halkaasoo kula kulmi doono Madaxweynaha dalkaaasi Mwai Kibai.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.