HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Canshuurihii sida sharci darada ah looga qaadi jiray gobolada dalka qaarkood oo la joojiyey (Sababtu maxay tahay).

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Kadib kullan xasaasi ah oo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Guddoomiyeyaasha gobolada Banaadir, Sh/dhexe, Sh/hoose, Galgaduud islamarkaana ay wehliyaan Guddoomiye degmooyinka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa Madaxweynuhu waxa uu amar ku siiyey in gebi ahaan ilaa iyo amar dambe la joojiyo Canshuurihii sida sahrci darada ah looga qaadi jiray goboladaasi.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar cad oo aan leex leexad lahayn ku bixiyey in la joojiyo qaadista Canshuuraha laga qaado gobolada banaadir, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Galgaduud nooc walba oo ay ahaato sida buu yiri Suuqyada, Gaadiidka iyo hab kasta oo lagu qaado Canshuur isagoo ku amray guddoomiyayaasha goboladaasi inay joojiyaan lacagaha ay ka qaadaan gobolada ay maamulaan ilaa mar dambe ka soo baxa Madaxweynaha.

“lama qaadi karo lacagahaasi ilaa amar dambe oo laga helayo qorshe dhamaystiran ay soo dajinayso wasaarada Maaliyada oo u xil saaran qaadista Canshuuraha dalka oo dhan, qofkii lagu helaa isagoo qaadaya Canshuur sharci daro ah sharciga ayaa la horgeynayaa wixii uu kala kulmo ayuuna leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo amar cad ku bixiyey in laga bilaabo maanta oo Isniin ah la qaadi Karin wax Canshuur ah.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho kaliya ay taalo lixdan Isbaaro isagoo xusay inuu ogyahay cida ay u taalo isbaarooyinkaasi.

Ugu danbeyntii digniintan ka soo baxay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili tan iyo markii  la soo dhisay dowladihii KMG ahaa dalka waxaa ka jiray Koontaroolo iyo suuqyo dadka siyaabooyin kala duwan looga qaado lacago Sharci daro ah taasoo ay ka dhashaan jahwareer halka ay ku baxaan oo ah jeebka shaqsiyaad ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.