HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo laga sameeyey Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho.

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee gobolada Jubada Hoose iyo Bay ayaa sheegaya in xalay ka dhaceen magaalooyinkaasi howlgalo lagu qabqabtay dad lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen falal Amni xumo oo magaalooyinkaasi ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada amaanka magaalooyinkaasi waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 43 qof oo lala xiriirinayo falal Amni xumo ay ka wadeen xaafadaha Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Ciidamada Raaskambooni oo xalay howlgalo culus ka sameeyey Kismaayo ayaa sheegay dadka la soo qabtay inay wax badan ka ogyihiin qaraxyadii ugu dambeeyey shalay ka dhacay magaaladaasi.

Saraakiishu waxay sheegeen inay sii wadayaan howlgalada ilaa laga sifeynayo wax ay ugu yeereen kooxo nabad  diid ah oo ku sugan xaafadaha Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Dhinaca kale Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa waxaa ka socda howlgalo ay wadaan Ciidamada Nabad sugida, xaafada Suuqa Xoolaha ayaa saaka lagu arkayaa ciidamo fara badan kuwaasoo wada howlgalo ka dhan ah Xarakada Alshabaab.

Ciidamada Nabad sugida howlgalka maanta ka wada Xaafadaha suuqa Xoolaha waxaa horkacayay Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir.

Dad badan ayaa lagu soo qabqabtay howlgalada ka socda Xaafadaha degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, sidoo kale hub ayaa ka mid ah waxyaabaha ay soo qabteen Ciidamada nabad sugida.

Ugu danbeyntii howlgaladan ayaa imaanaya xili shalay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.