Ugaas Maxamed Wali oo Tallo u jeediyey Xarakada Alshabaab
27.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Ugaas Maxamed Wali Waxa uu ka mid yahay Ugaasyada sida weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya kana soo jeeda gobolada Gedo iyo Jubooyinka ayaa ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan Dagaalada ka holcaya Koonfurta iyo Bartamaha wadanka Soomaaliya.
Ugu horayn Ugaas Maxamed Wali ayaa ugu baaqay Xarakada Alshabaab inay iska daayaan sida ay ula dhaqmaan Dadka Shacabka ah si halkaasi uga helaan kalsooni uga timaada dadkaasi ay Maamulaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale Ugaas-ka waxa uu ka dhawaajiyey waxyaabo sida uu ka dhawaajiyey ay ku qaldanyihiin Xarakada Alshabaab kuwaasoo uu tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo saxo.
Xarakada Alshabaab wuxuu kula taliyey Ugaas Maxamed Wali inay la heshiiyaan dowladda Cusub ee Soomaaliya si loo helo xal ay ku wada noolaan karaan Bulshada Soomaaliyeed lana soo afjaro dagaalada ma dhammaatada ah ee ka socda dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Xarakada Alshabaab waxay marar badan ku celceliyeen in haba yaraatee wax wada hadal ah la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya inta Ciida wadanka Soomaaliya qeyb ka mid ah ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale