HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Maamulka Puntland oo si kulul u eedeeyey Somaliland.

27.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa waxa si kulul u Cambaareeyeen Maamulka Somaliland, iyagoo ku eedeeyey sida ay tilmaameen duulaan gardaro qaawan oo isballaarin ah.

Waxay tilmaameen Madaxda Maamulka Puntland in ciidamada Somaliland ay gudaha u soo galeen deegaano hor leh oo ka tirsan deegaanada maamulkaasi iyagoo ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxaan deegaanadaasi haddii kale cawaaqib xumada ka dhalata mas’uuliyadeeda Somaliland ay qaadidoonto.

Puntland waxay sheegtay in dadka deegaanka oo aad u caraysan islamarkaana mudaaharaadyo dhigaya duulaan cusub kala horyimid Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa dhawaan gaaray deegaano ka tirsan gobolka Sool si ay dadka deegaanka ugu sheegaan ka qeyb qaadashada doorashooyinka golaha Deegaanka ee Somaliland.

“Maamulka Puntland uma dul qaadan doonto gardarada qaawan ay Somaliland ku soo qaaday gobolada Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland.

Ciidamada maamulka Somaliland ee gudaha u soo galay Gobolka Sool deegaano fara badan oo ka mid ah ayay ugu baaqeen madaxda Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan deegaanada maamulkaasi, iyagoo tilaabada Milateri ee Somaliland ku sifeeyey mid qalqal gelinayso xasiloonida oo caqabad ku ah nabadgeliyada labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Ugu danbeyntii maamulka Somaliland wali kama hadlin eedeynta uga timid maamulka Puntland iyadoo arrintan ay imaanayso xili deegaanada Somaliland si aan caadi ahayn looga diyaar garoobayo Doorashooyinka Somaliland.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.