Muqdisho:Howlgal dad badan lagu qabtay
27.Nov.2012.Homelandmedia.NET.Ciidamada Alpha Group ee sida gaar ah u tababaran ayaa howlgalo ka wadaan saakayto Xaafadaha Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid iyadoo howlgaladaasina lagu qabqabtay dad badan oo lagu eedeynayo falal amni daro.
Sida wararku ay sheegayaan howlgaladan waxaa fuliyay ciidamada Alpha Group oo loogu talagalay in lagu daadiyo xaafadaha xaalkooda la bixin waayo, waxayna guri guri maanta u baareen Xaafadaha Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.
Dadka lagu soo qabqabtay howlgalada ayaa gaaraya 20 ruux waxaa lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta amaanka degmadaasi.
Ugu danbeyntii howlgalo is daba joog ah ayaa waxay ka bilowdeen xaafadaha degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Deyniile degmooyinkaasoo ay ka dhacaan Qaraxyo, dilal iyo weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale