Guddoomiyaha degmada Warta-Nabada oo sheegtay inay hanjabaad kala kulantay Saraakiil ka tirsan dowladda.
27.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET. Guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Ex-Wardhiigley ayaa sheegtay in loo hanjabay xili ay booqasho ku tagtay Iskuulka 15-ka May eek u yaala degmadaasi si dib u dhis loogu sameeyo degmadaasi.
Deeqo C/qaadir oo ah Guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Ex-Wardhiigley ayaa sheegtay markii ay tagtay Iskuulka si ay u indha indheyso waxna uga qabtaan burburka iskuulka mudada dheer, balse sheegtay markii ay tageen in loo soo hanjabay.
Gudoomiyaha Warta-Nabada Ex-Wardhiigley ayaa sheegtay in saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Iskuulka 15-ka May ay ugu hanjabeen inay dagaal la galayaan hadii ay ka bixi waayaan Iskuulkan arimihiisa.
Gudoomiyaha oo aan shaacin magacyada saraakiisha hanjabaada ay kala kulantay ayaa baaq waxa ay u dirtay Wasaarada Gaashaandhiga iyo Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka, taasoo ah in laga saaro Iskuulka Ciidamada Milatariga ee ku sugan.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale