HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo maanta kullan la qaadanaysa dhigeeda Kenya.

27.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wasiiradda Arrimaha Dibada wadanka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Aadan oo maalintii shalay gaartay Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta kullan xasaasi ah magaaladaasi kula yeelato Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya.

Labada Wasiir Arrima dibadeedka Soomaaliya iyo Kenya waxay ka wada hadli doonaan arrimaha labada dal, Arrimaha Jubooyinka iyo dhibaatooyinka Soomaalida kala kulmaan Dadka Kenyaatiga ah.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in labada Wasiir Arrima dibadeedka ay ka wada hadli doonaan arrimaha Ciidamada Kenya ku sugan gudaha dalka Soomaaliya howlgalada ay ka wadaan.

Ugu danbeyntii Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u muuqanaysa mid dar dar xoog ah ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd iskaashiga wadamada Caalamka ee Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.