HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dad rayid ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo.

28.Nov.2012.HOMELANDMEDIANET.Kooxo hubeysan iyo askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa xalay siyaabo kala duwan dad rayid ah ugu dilay Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo ee gobolada Hiiraan iyo Bay.

Kooxo hubeysan oo wajiyada duubtay ayaa xalay Suuqa xoolaha lagu iibiyo Magaalada Baydhabo ku toogtay Nin dulaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamad Kaariye, iyadoo kooxihii weerarkaasi fuliyey goobtii ka baxsaday.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen dad qof wajiyada soo xirtay, lama oga sababta loo dilay Maxamad Kaariye.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada dowladda oo sameeyey baaritaano mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi lagu dilay Ninkaasi dulaalka ahaa.

Dhinaca kale Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa xalay Magaalada Baladweyne ku dilay saddex qof rayid ah kuna sugnaa xaafada Xaawo Taako ee Magaaladaasi.

Qof ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in saddexda qof la dilay la farmuuqay loona malaynayo inay ka dambeeyeen dil shalay Magaalada loogu geystay Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed (Marya-Cadde).

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.