HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Isbaarooyinkii laga qaaday Muqdisho oo horseeday arrimo laga gudbay Sanooyin ka hor (Warbixin).

03.Dec.2012.Homelandmedia.net.Wixii ka dambeeyey markii ay soo baxeen amarkii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahaa ee ahaa in la qaado isbaarooyinka sida Sharci darada ah gaadiidka dadweynaha lacagaha looga qaado ayaa waxaa soo baxaya arrimo laga gudbay sanooyin ka hor.

Maleeshiyaadkii laga ceyriyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Yaaqshiid, Wardhiigley, Kaaraan, C/casiis, Deyniile, Hodon, Howlwadaag iyo degmooyin kale oo gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadan jireen ayaa waxay ku fideen maleeshiyaadkaasi xaafadaha si ay u gacma gacmeystaan dadka shacabka ah.

Dhaca Mobile-lada, Dahabka hablaha ay xirtaan oo Bastoolado, Qoryo iyo Tooreeyo lagu kala dhacayo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar la soo sheegayo dad laga furtay dharkii ay wateen taasoo ah dhacdooyin laga soo gudbay sanooyin ka hor.

Sidoo kale sida wararku ay sheegayaan xaafadaha qaar waxaa lagu arkay kooxo hubeysan oo wareegaya islamarkaana gudaha u galaya guryaha ay furan yihiin albaabadooda ama maalintii cad ay wiideystaan kuwaasoo ka qaata wax alle iyo wixii agab ah ee yaala guryaha ay gudaha u galaan.

Muqdisho isbaarooyinkii gaadiidka wadooyinka laga qaaday waxaa badashay dhibaatooyinkaasi dadka shacabka ah oo muddo sanooyin ka hor ugu dambeysay taasoo ay maankooda ilowday hase yeeshee dib u xusuustay.

“Isbaarooyinkii inay u sii yaalaan baa inoo dhaantay tani inay dhacayso waan iska ogaa habeenkii ma socon karno xitaa cabsi ayaa ku joognaa guryaheena goormaa gudaha loo soo gali doonaa” ayuu yiri ka mid ah dadka ku nool degmada Wadajir oo ay kooxo tuugo ah oo u badan maleeshiyaadkii isbaarooyinka laga qaday ka bilaabeen.

Xalay ayay ahayd markii guri ku yaala degmada Dharkenley gudaha loo galay lana dhacay iyadoo dadka gurigaasi ku nool laga rartay agabyo kala duwan, Mobile iyo lacago.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.