HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka hadlay Afduubyada ka socda Gaalkacyo.

03.Dec.2012.Homelandmedia.net.Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay afduubyada ka socda Magaaladaasi.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sidoo kale ku baaqay in si sharuud la’aan ah lagu soo daayo dad shacab ah kana soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo afduub loo heysto.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka gacan siiso maamulkaasi sidii loo sugi lahaa amaanka labada dhinac si looga hortago Afduubka iyo dhibaatooyinka kaleeto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Tilmaamay in Magaalada Muqdisho uu kula soo kulmay Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana kala hadlay arrimaha siyaasada Galmudug iyo sidii loo wanaajin lahaa Xiriirka dowladda iyo kan maamulkaasi.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Madaxweynaha maamulka Galmudug booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho islamarkaana dib ugu laabto Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.