Dagaal ka dhacay Kismaayo iyo dadkii deegaanka oo la Ugaarsanayo
03.Dec.2012.Homelandmedia.net.Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan xalay weerar culus lagu qaaday Fariisin Garooka Diyaarada ay ku leeyihiin Maleeshiyada Soomaalida iyo Ciidanka Kenya.
Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay 4 ruux 7-ruux kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo fariisin ciidan u ah Maleeshiyada Soomaalida iyo kuwa Kenya.
Dhinaca kale weeraradaasi is dabajooga ah waxaa dhinac socda Ugaari lagu hayo dadka deegaanka Kismaayo wararka waxay sheegayan in laxiray in ka badan 95 ruux 24 saac ugu dambeysay.
Odayaasha iyo Waxgaradka Kismaayo ayaa sheegay inay arrintaasi arkaan mid qorshe laga leeyahay oo lagu ugaarsanayo dad gaar ah haddii aan la joojin dadka macna darada lagu xirxirayo ay horseedi doonaan dhibaatooyin.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay dagaalo iyo Raaf ka dhan ah dadka Reer Kismaayo ka dhacaan Magaalo Xeebeedkaasi oo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale