HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Baaq nabadeed lagu joojinayo colaadda Beelaha Saleebaan iyo Duduble oo laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen Labada dhinac

03.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Odayaal iyo Waxgarad soo kala jeeda Beelaha Reer Xaaji Saleebaan iyo Duduble oo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa kullan ay ku yeesheen Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah labada dhinac ugu baaqeen in la joojiyo Colaada ka dhex aloolsan beelahaasi walaalaha ah waxaana kullankii gabagabadiisa laga soo saaray guddi qaabilsan xalinta colaadaasi.

Baaq nabadeed ayaa laga soo saaray kullankaasi oo ay ka soo qeyb galeen Odayaal, Ganacsato, Aqoonyahano, Waxgarad ka soo jeeda beelihii ku dagaalamay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Kulanka odayaasha iyo waxgaradka  labada beelood ay ku yeesheen Hotelka Jaziira oo saacado badana qaatay ayaa markii uu soo gabagaboobmay waxaa saxaafada la hadlay odayaal ka tirsan labada dhinac,  kuwaas oo sharaxay waxyaabihii ay ku heshiiyeen.


Nabadoon Axmed Diiriye oo ku hadlay magaca beesha Xaaji Saleebaan ayaa sheegay in gogosha nabadeed ay dhigtay beesha Maxamuud Hiraab isla markaana laga soo saaray Baaq nabadeed, iyo in la magacaabo guddi ka kooban 22-xunood oo labada dhinac ah,  kuwaas oo u xilsaaran baajinta colaad kale oo dhex marta labadaasi beelood.


Sidoo kale Nabadoon Xaashi Cigalle Jimcaale oo isna u hadlay beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, isagoo soo hadal qaaday cawaaqib xumada ka dhalankarta dagaalada sokeeye,  wuxuuna intaa ku daray in labada dhinac ay ku heshiiyeen in lagu dhaqmo Kitaabka Alle.


Kulanka nabadeed ee shalay ay yeesheen labada dhinac ayaa yimid ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan labadaasi beelood ay ku dagaalameen deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud,  kaasoo  geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Ugu danbeyntii dagaalkaasi ka dhacay doraad gobolka Galgaduud waxaa ku dhintay 33 ruux oo labada dhinac u badan tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen iyadoo Guddoomiyaha Xarakada Alshabaab gobolka Galgaduudna dhankiisa ku baxay dagaalka sida uu yiri.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.