Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta Ansixinaya Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Dalka
03.Dec.2012.Homelandmedia.net.Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay manta Xarunta Golaha shacabka kulan ay ku ansixinayaan Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Dalka ku yeelanayaan.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta Muqdisho qaar ka mid ah u xaqiijiyey in Maanta oo Isniin ah kulanka Baarlamaanka ay ku ansixinayaan Xeer Hoosaadyada uu yeelanayo Baarlamaanka, isagoo sheegay in kulamadii hore ay kaga doodayeen Xeer Hoosaadka.
Sida wararku sheegayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Bahda Suxufiyiinta ayaa galaya hoolka shirka uu ka dhacayo ee Xarunta golaha Shacabka Muqdisho.
Ugu danbeyntii kullanka maanta Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixinayo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Dalka waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale