HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 

Guddoomiyaha Baladweyne oo mar kale Dil loo maleegay ka badbaaday

03.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya xalay xoogag hubeysan weerar bambaanooyin loo adeegsaday ku qaaday Hoyga uu dagan yahay guddoomiyaha Baladweyne ee Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida wararku nagu soo gaarayaan weerarka waxaa ka dhashay qasaare kala duwan iyadoo weerarkaasina uu ka badbaaday Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne oo la doonayay in weerarkaasi looga taqluso.

Qaraxyada lagu weeraray Hoyga Guddoomiyaha Baladweyne waxaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ilaalada guddoomiyaha, lama oga rasmi ahaan inta uu gaarsiisan yahay khasaarahaasi ka dhashay weerarkii xalay.

Xiriiro aan la samaynay dad ku dhow guddoomiyaha Baladweyne si aan wax uga weydiino sida ay u dhaceen weeraradii xalay ayaa noo suuragalin in aan helno, iyadoo saakay wararka ka imaanaya Baladweyne ay sheegayaan inay socdaan howlgalo baaritaano ah.

Koox sheegtay weerarka xalay lagu qaaday Hoyga Guddoomiyaha Baladweyne ma jirto mana ahan markii ugu horaysay weerar noocaan ah lagu qaado Hoyga Guddoomiyaha Baladweyne.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.