Madaxweyne Xasan sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Turkiga u dhoofay.
04.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka aan walaalaha nahay eeTurkiga.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta, wasiirka wasaaradda difaaca dalka, taliyaha ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale.
R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sii sagootiyey garoonka Adan cede.
Dowlada Turkiga ayaa casuumaad rasmi ah u fudisay madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa iyagoo kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale