HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dagaal ka dhacay qeyb ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

04.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in saaka uu ka qarxay Deegaanka Deegaanka Garsaale oo duleedka kaga beegan Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu qarxay kadib markii Ciidamada Xarakada Alshabaab ay soo weerareen aroortii hore saaka fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Huwanta ah.

Dagaalka ka holcaya deegaankaasi inuu yahay mid culus isla markaana hubka culus iyo midka fulud la isku adeeganayo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi saakay ka qarxay deegaanka Garsaale oo isku fara saareen Ciidamada Huwanta ah.

Ugu danbeyntii dagaalka saaka ka dhacay deegaankaasi waxa uu daba joogaa dagaal culus oo xalay deegaankaasi ku dhexmaray dhinacyadaasi kaasoo sababay dhimashada 6-Askari oo labada dhinac ah iyo dhawac intaasi ka badan.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.