Haweeney ganacsato ahayd oo xalay lagu dilay Degmada Deyniile.04.Dec.2012
04.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Kooxo hubeysan oo aan heebtooda la aqoon ayaa xalay xaafada Raadeerka Degmada Deyniile ku toogtay haweeney ganacsato ahayd.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta kooxahaasi dableyda hubeysan u toogteen haweeneydaasi ganacsatada ahayd oo si aad ah looga yaqiinay Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Askar ka tirsan kuwa maamulka degmada Deyniile oo goobta gaaray ayaa sheegay inay halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaan, lamana oga inay dad u soo qabqabteen howlgalkaasi.
Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay dilka haweeneydaasi ganacsatada ayaa ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kooxo sida uu tilmaamay nabadiid ah.
Ma ahan markii ugu horaysay dad ganacsato ah lagu dilo gudaha Xaafadaha Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale