HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Nin kenyaati ka shaqeynayay Kaniisad oo lagu dilay Magaalada Mandheera.04.Dec.2012

04.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Wararka laga helayo Magaalada Mandheeera ee waqooyi Bari dalka Kenhya ayaa sheegaya in Nin Kenyaati ka shaqeynayay mid ka mid ah Kaniisadaha magaaladaasi lagu dilay, kagadaal markii ragg bastoolado ku hubeysan ay rasaas la dhaceen kana baxsadeen goobtii dilka uu ka dhacay.

Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in kooxaha Hubeysan oo loo malanayo inay xiriir la leeyihiin Xarakada Alshabaab ay ninkaasi ka shaqeynayay kaniisada ku dileen Mandheera xili uu ka soo baxay Kaniisada.

Saraakiil Ciidamada Kenya ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dilka geystay ay ahaayeen Soomaali islamarkaana u baxsadeen dhanka magaalada Baladxaawo sida ay warka u dhigeen.

Ciidamada Amaanka Kenya ayaa howlgalo ka sameeyey Magaalada Mandheera kuwaas oo baadi goobaya kooxihii dilka ka dambeeyey, hase yeeshee ma jirto cid ay u soo qabgteen dilkaasi.

Ugu danbeyntii magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Dalka Kenya waxaa ku sii badanaya dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah Askarta kenyaatiga iyo dadka ka shaqeeya kaniisadaha ku yaala dalkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kaleA

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.