HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 

AMISOM oo xalay duqeysay deegaanka Dhanaane.

04.Dec.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay Deegaano hoos yimaada degmada Afgooye ay duqeeyeen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Deegaanka Carbiska ayaa duqeeyey deegaanka Dhanaane oo duleedka kaga xiga Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab ee gobolka Sh/hoose.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha sida saxda ah uga dhacay deegaanka xalay ay duqeeyeen ciidamada AMISOM waxaase saaka dagan deegaanadii xalay la duqeeyey.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan madaafiicdaasi xalay Ciidamada AMISOM ay ku duqeeyeen Deegaanka Dhanaane hase yeeshee lama xaqiijin karo qasaaraha.

Ugu danbeyntii dadkii ku sugnaa deegaanka Dhanaane ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay ka barakaceen deegaankaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.