HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu wado inuu kullamo la qaato Madaxda Turkiga.05.Dec.2012

05.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Kadib markii Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maalintii shalay gaareen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in maanta magaaladaas kullan xasaasi ah kula qaato dhigiisa dalka Turkiga Cabdallah Goul.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ah Wasiirada Gaashaandhiga, Arrimaha Dibada iyo Maaliyada iyadoo dhammaan wafdigaasina si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warar ku dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamaya in maanta uu la kulmayo Cabdallah Goul, halka maalinta barito ahna kullan la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Rajab Dayip Urdogan.

Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay dowladdaha Caalamka ee sida qiirada leh ugu soo gurmaday wadanka Soomaaliya tan iyo bilowgii abaarihii ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya iyagoo keenay gar gaar kala duwan oo bani’aadanimo waxayna wali howlgalo gurmad caafimaad iyo mid dib u dhis ka wadaan Caasimada Magaalada Muqdisho.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.