HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaafiic xalay lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

05.Dec.2012.Homelandmedia.net.Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan weerarkaasi Madaxtooyada lagu asqeeyey.

Xaafadaha Degmooyinka Warta-nabada Ex-Wardhiigley iyo Boondheere waxaa ku habsaday Madaafiic Hoobiyayaal ah kadib markii Ciidamo daacad u ah Xarakada alshabaab weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaafiicda kadib waxaa la maqlay rasaas culus taasoo aan la ogayn cida ay u dhaxeysay maadaama xiliga habeen uu ahaa lama xaqiijin karo khasaaraha iyo cida iska hor’imaadkaasi u dhaxeeyey.

Dad ku sugan Warta-nabada Ex-Wardhiigley ayaa u sheegay Warbaahinta Homelandmedia.net in guri ay ku noolaayeen dad rayid ah madfac ku dhacay uu sababay dhaawaca saddex qof oo isku qoys ahaa.

Sidoo kale madaafiic kale oo hareer martay xarunta Madaxtooyada waxay ku dhaceen degmada Boondheere, khasaare kala duwan  ayaa ka dhashay hase yeeshee lama oga khasaaraha inta uu gaaray.

Wararka waxay intaasi ku darayaan madaafiicda ku dhacday xarunta Madaxtooyada inay geysteen khasaare aan la ogayn inta uu gaarayo howlgalo ayaa ka socda saaka qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa xaqiijiyey in dhaawacyo 7 ruux rayid ah gaaraya la gaarsiiyey xalay saqdii dhexe Isbitaalka kuwaasoo xaaladooda caafimaad qaarkood ay aad u liidato.

Ma ahan markii ugu horaysay Xarakada Alshabaab xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ka tuuraan Madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.