Xaflad lagu maamuusayo 69 guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska oo Muqdisho ka socota.
20.Dec.2012.Homelandmedia.Net. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socoto xaflad loogu dabaaldagaayo 69-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Xarunta Gen: Kaahiye ee Magaalada Muqdisho oo ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka socotaa munaasabada dabaaldaga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed markii la aas-aasay oo maanta oo kale ku beegan.
Waxaa si aad ah loo adkeeyey amaanka Dugsiga tababarka Gen: Kaahiye halkaasi oo lagu arkayo Ciidanka Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamo Boolis AMISOM ka socda.
Hoolka xafladu ay ka socoto oo ay ku sugan yihiin Saraakiisha ciidanka Booliska iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa Heeso kala duwan iyo Ruwaayado ay dhigayaan Ciidanka Booliska daahfur looga dhigay.
Ugu danbeyntii waxaa ku sii qulqulaya Suxufiyiin, Marti Sharaf lagu casuumay.
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale