HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Mid ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynenimada Puntland oo eedeeyey Baarlamaanka.

20.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Mid ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynenimada maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Isimada iyo waxgaradka inay u istaagaan sidii dhibka jira xal loogu heli lahaa.

Janaraal C/laahi Siciid Samatar oo ah Siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland islamarkaana dhawaan sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Puntland ayaa sheegay in xiligan maamulkaasi ku jiro xaalad adag una baahan in wax laga qabto.

Siyaasiga ayaa sheegay inaysan sharci ahayn mudada sanadka ah ee golayaasha Puntland loogu daray islamarkaana sinaba aan loo aqbali doonin isagoo xusay in 8-da Janaayo ay sugayaan doorasho ka dhacda deegaanada maamulka Puntland.

“Faroole waxa uu u dhaartay waa 4 sano inuu xilka hayo inagu waxaan isku diyaarinaynaa 8-da Janaayo doorasho ayaa sugaynaa Baarlamaankana sharciyada way ka dhacday” ayuu yiri Janaraal C/laahi Siciid Samatar oo intaasi raaciyey  in Dastuurka ay ku lifaaqanyihiin qodobo aan sharci ahayn qaabkii loo ansixiyeyna aanu ahayn mid munaasib ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Salaad Xareed Cali ayaa si kulul uga jawaabay eedaymaha uu u soo jeediyay Janaraal C/laahi Siciid Samatar, wuxuuna sheegay Guddoomiyuhu in eedaymaha xukuumadda Puntland loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan xaqiiqada ku saleysnayn, si gaar ah wuxuu uga hadlay sharciyadda golaha Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanku uu wakhti iyo dedaal badan geliyay sidii nidaamka maamul ee Puntland looga dhigi lahaa mid dadka oo dhan u faran, loogana guuri lahaa habkii hore ee madaxda lagu soo dooran jiray, sharcinimada sii shaqeynta Goluhuna ay tahay mid dastuurka ku lifaaqan, Isimada iyo waxgaradkuna ay ogyihiin, raalina ka yihiin.

Ugu danbeyntii khilaaf iyo muran xoogan ayaa ka taagan doorasho ka dhacda deegaanada maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa aaminsan in muddo sanad dheeraad ah loogu kordhiyey halka Musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi ay ku doodayaan inay 8-da Janaayo ay sugayaan doorasho ay galaan lase arki doonee xaalka halka uu ku dambeeyo.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.