HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay biyaha laga cabo Muqdisho aysan ahayn kuwo nadiif ah.

20.dec.2012.Homelanmedia.Net.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in Biyaha laga cabo Caasimada magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya aysan ahayn kuwo Nadiif ah.

Tarsan ayaa ku eedeeyey Hay’adaha NGO-yada inay iska dhinac qodeen Musqulo iyo Ceelal taasina uu sheegay inay wasaqda biyaha dadka ay cabayaan, isagoo sheegay in dadka qaar ay u dhintaan Wasaqda Biyaha oo beerka kaga dhaca dadka shacabka ah ee caba Ceelasha ku yaala caasimada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay Wasiirka Kheyraadka Dalka Soomaaliya inuu la wareego Awooda Ceelasha Biyaha Muqdisho si wasaarada ay u koontaroosho biyaha ay cabaan dadka shacabka ah.

“Wasaarada Kheyraadka waxaa looga baahan yahay inay koontaroosho tayada biyaha si looga hortago Biyaha wasaqeysan ee ay cabayaan dadka Soomaalida” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Ugu danbeyntii hadalka Tarsan ayaa imaanaya xili Ceelasha ku yaala magaalada Muqdisho lagu arkayo Musqulo fara badan oo ku agyaala iyadoo aan la ogayn Caafimaad darada ka dhalan karta.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.