HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya kulan dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kana wadahadlay…

22.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya ee shalay safarka ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxay kulamo kala duwan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga wadahadlay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Kenya iyo qaraxyada is-xigxigay ee ka dhacayey muddooyinkii dambe magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Mowai Kipaki ayaa waxay si gaar ah uga wada-hadleen arrinka magaaladad Kismaayo iyo sidii ay dowladda Soomaaliya maamul ugu dhisi laheyd, isla markaasna dowladda Kenya ay dowladda Soomaaliya ku gacan-siiso maamul u sameyntaasi iyo sidii ay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalak Soomaaliya ay u sii xoojin lahaayeen sugidd ammaanka guud ee gobolada ay ku suganyihiin.

Sarkaal ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta dibadda la hadlay ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay sidoo kale ka wadahadleen xaaladihii ugu dameebay ee magaalada Nairobi, qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi iyo go’aankii ay dowladda Kenya ku gaartay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaalida oo ay ku eedaysay inay iyagu ka dmabeeyaan qaraxyada, wuxuuna sarkaalku intaasi ku daray in Madaxweynaah Soomaaliya uu ka dalbaday Madaxweynaha Kenya in la joojiyo dadka Soomaalida ah ee la celinayo iyo dadka sharciga heysta ee la qabqabanayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Madaxweynaha Kenya ka dalbaday in dowladda Kenya ay ka laabato go’aankii ay ku gaartay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaalida ah, wuxuu sheegay in dhibka ku dhacaya Kenya ay ugu dhacayaan waxay tahay kaalmada ay siisay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidankooda soo galay Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalkan ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowr jeer uu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalkaasi ka dib markii la sheegay inuu khilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood, inkastoo uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay inuusan wax khilaaf ah jirin, sidoo kalena safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo dowladda Kenya ay xabsiyada dalkeeda ka buuxaan dad Soomaali ah, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed lagu amray inay isaga baxaan gudaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.