HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Kooxo burcad badeeda oo fariin u diray dowlada isu taga Imaaraadka carabta,kuna hanjabay inay dili doonaan shaqaale saaran markab ay..

23.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee heysta la heystayaal saaran markab laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee lagu magacaabo Royal Grace ayaa ku hanjabay markii ugu horeysay inay dili doonaan oo ay nafta dhaafinayaan shaqaalaha markabka Imaaraadka laga leeyahay saaran haddii ay dowladda dalkaasi si dhaqso ah ay uga soo jawaabi-doonto dalabkooda ku aadna in la siiyo lacag madax-furasho ah.

Wargeyska The National ayaa daabacay warbixin uu uga hadlayo xaaladda caafimaad ee shaqaalaha saaran markabka laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka carabta, wuxuuna wargeysku qoraalkiisu ku sheegay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ayaa dib u bilaabeen inay hanjabaado ay u jeediyaan ehalada la heystayaasha gacanta ugu jira ee wadamada kala duwan u dhashay, si markaasi ay u helaan lacagta madax-fursho ah oo ay sheegeen inay dalbadeen balse aysan weli helin wax jawaab ah.

Afhayeen u hadlay kooxaha burcad badeeda oo wareysi siiyey Wargeyska The National ayaa sheegay in waqtiyo kala duwan oo ay u qabteen dowladda Isu tagga Immaaraadka carabat iyo ehelada shaqaalaha ay ku heystaan markabka ee ah inay lacago madaxfurasho ah siiyaan ay ka soo jawaabi-waayeen, sidaasi darteed ay iyaguna dili doonan gebi ahaanba shaqaalaha ay heystaan, haddii todobaad gudahiisa la fulin dalabkooda lacageed.

“Dowladda Imaaraadka carabta iyo ehelada dadka saaran markaba ay iska leedahay Dubai waxay iska indha-tirayaan xaqiiqda haddii ay si dhaqso ah u flin-waayaan dalabkeena lacageed todobaad gudahiisa ayaan ku dili doonaa gebi ahaanba shaqaalaha saaran markabka, wax faa’ido ah nooguma jirto inaan sii heyno kooxahaasi oo aan ka aheyn inaan leyno gebigoodba” ayuu yiri afgayeenkan u hadlay kooxaha burcad badeeda.

Dhinaca kale qaar ka mid ah ehalada la heystayaasha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay in si aad ah uga walaacsanyihiin hadalka ka soo baxay kooxaha burcad babeeda ah ee ku saleysan inay dilayaan dadkooda haddii lagu siin lacagta madax furashada ah waqtiga ay dal badaan oo ah muddo isbuuc gudahiis, waxayna kooxaha burcad badeedu afduubteen markabka Royal Grace 2 bishii March markaas oo uu ka soo shareecday dalka Naigeria, waxayna kooxaha burcad badeedu ka dalbadeen milkiilayaasha Markabka lacag gaareysa 6-million si loo sii daayo la heystayaasha oo u kala dhashay wadamo kala duwan sida 17 oo u dhashatay India,3 Nigeeriya iyo waliba muwaadiniin u dhashay wadamada Bangalesh iyo Bakistaan,kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan burcad badeeda Soomaalida.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.