HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Guddi ka soo tala bixiya heshiiskii dhinaca meleteriga ee dhexmaray Soomaaliya iyo turkiga oo uu magacaabay guddoomiyaha.

23.Dec.2012.homelandmedia.Net.Kulankoodii caadiga ahaa oo ay shalay ku yeesheen Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga qeybiyey sharciga maamulka maaliyadda dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka shir gudoominayey uu magacaabay Guddi dib u eegis ku sa sameeya heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankii shalay ee Baarlamaanka waxaana soo xaadiray 146-mudane, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaana xildhibaanada ka dalbaday in xidhibaanadu ay maanta oo axad ah talooyin ka soo bixiyaan miisaaniyadda dalka, isagoo sidoo kale sheegay in Guddiga dhinaca mileteriga ee uu magacaabayna looga baahanyahay inay ka soo talo-bixiyaan waxyaabaha dhabta ah ee ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca ciidanka ah.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee loogu talogalay inuu dib u eegis ku sameeyo heshiiska dhinaca milateriga ah oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay ka koobanyihiin lix xubnood, waxayna Guddiga la magacaabay ay magacyadoodu kala yihiin sida tan:- Xidhibaan Gen. Muuse Xasan Cabdi, Xidlhibaan Gen. Axmed Geeddi Jimcaale, Xidlhibaan Axmed Mayow Cabdulle {Col. Ruush}, Xidhibaan Admiral Maxamed Maxmauud Xayd, Xidhibaan Gen. Bashiir iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya.

Miisaaniyadda loo qeybiyey Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dowladdu ku shaqeyn doontaa halka sano ee soo socda, iyadoo buugga loo qaybiyey xildhibaanada uu sharaxaad ka bixinayo halka uu dhaqaaluhu ka imaanayo iyo sida kharashaadka loo isticmaalayo, waxaana xusid mudan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in inta aanu Baarlamaanku fasaxgelin ay dhameystiri doonaan ajandayaasha horyaala si ay u galaan fasax iyagoo aanu u oolin ajande ka sugaya ka doodis iyo cod u qaadis.

!Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.