HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Maamulka gobolka Banaadir oo hakiyey Tiro koobka Xaafadaha Muqdisho ka dib markii..

25.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Maamulka gobolka Banaadir ayaa gebi ahaanba hakiyey howlihii tiro koobka Xaafadaha Muqdisho ka dib markii qeylo dhaan ka timid qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Dibada ku nool iyo kuwa guddaha wadanka ku sugan.

Qeylo dhaanta ka timid qeybaha kala duwan Bulshada soomaaliyeed Guddaha iyo Dibada ayay sabab uga dhigeen in guryahooda ay wali degan yihiin dad kale oo degay tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyadoo dadkaasina laga saarin guryaha dibna loogu celin dadkii lahaa aysan haboonayn in tiro koob lagu sameeyo  Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan Safaro ku soo kala bixiyey qaarada Yurub iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah ayaa waxa uu kullamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee dibada ku nool isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan Dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir oo uu madaxda ka yahay.

Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida dibada ku nool ee uu la kulmay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka codsadeen in maamulka gobolka Banaadir uu hakiyo howlaha tiro koobka xaafadaha magaalada Muqdisho, iyagoo taasi sabab uga dhigay inay wali jiraan guryo dad shacab ah ay leeyihiin iyo kuwa dowladda ay ku jiraan gacmo dad kale inta laga saarayana dib loo dhigo tiro koobka Xaafadaha.

!Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.