HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku qanacsanayn Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga xagga Meleteriga (Warbixin).25.Dec.2012

25.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Xili dhawaan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi uu shaaciyey in Heshiis Meleteri ay isla soo wada gaareen Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya kaasoo ku aadan sidii tababaro dhinac waliba leh loogu furi lahaa ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxay in qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya aysan ku qanacsanayn Heshiiska ay wada gaareen Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga iyo Dowladda Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku jira Shaqsiyaad si toos ah ugu adeega danaha Shisheeye haba ugu horeeyaane dalalka Dariska.

Waxaa hadda ku soo biiray xildhibaano Cusub oo hadda u adeega dano gaar ah oo ku salaysan xagga Qabiilka taasoo keeni karta dhibaato kale oo dib uga dilaacda dalka Soomaaliya oo waxoogaa rajo iyo ififaalo horumarineed ay ka soo muuqanayso bilihii ugu dambeeyey.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga wixii ka dambeeyey markii ay kala saxiixdeen Heshiisyo xagga Meleteriga ah ayaa waxaa soo shaac baxay Shaqsiyaad ku doodaya in dowladda Soomaaliya aysan geli Karin wax Heshiisyo ah oo dhinaca Meleteriga ah, taasoo ay sabab uga dhigeen in dalka hadda aysan ka jirin Meleteri dhab ah, hase yeeshee uu ka jiro Meleteri ay horboodayaan Qabaa’ilo Soomaaliyeed sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la sugo inta laga helayo Meleteri dhab ah waxayna ku doodayaan in AMISOM ay ku filan tahay Sugida amaanka dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ee tagay dalka Turkiga isagoona kulmo kala duwan la qaatay dhigiisa Turkiga ayna ka wada hadleen Arrimaha Ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidan Meleteri awood leh loona qalabayn lahaa ayaa waxaa arrinkaasi ka hor jeestay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa la magacaabay guddi dib u eegis ku sameeyo heshiiska dhinaca Meleteriga ee dhexmaray dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga kaasoo ka kooban Lix xubnood, dadka Siyaasada Soomaaliya Taxliilaya ayaa ku tilmaamay guddigan iyo waliba qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inaysan ku qanacsanayn Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.