HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 AHLUSUNA “Waxaan mar dhow qaadaynaa duulaano ka dhan ah Alshabaab…”.

25.Dec.2012.Homelandedia.Net.Maamulka maleeshiyada ahlusunna Waljamaaca ee gobolada dhexe Soomaaliya ayaa waxa ay tilmaameen inay mar dhow ay qaadayaan duulaano ka dhan ah Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ee goboladaasi.

Maleeshiyada Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku hanjabtay inay Alshabaab ka saari doonaan goobaha ay kaga sugan yihiin gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo ay ka arrimiyaan.

Xoghayaha Gaashaandhiga maleeshiyada Ahlusunna Waljamaaca Al-qaadi ayaa sheegay in maamulkaasi ay abaabulayaan sidii ay uga si feyn lahaayeen guud ahaan gobolada ay kaga sugan yihiin Xarakada alshabaab gobolada dhexe.

Alqaadi oo ku sugan Muqdisho ayaa tilmaamay inuu wada hadalo kula jiro Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi kana wada hadleen sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa gobolada dhexe sida uu yiri.

Ugu danbeyntii hadalka ka soo baxay maleeshiyada Kooxda Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku soo aadaya xili maamulka Ahlusunna Waljamaaca gobolada dhexe ay wadaan abaabulo xoogan oo ay ku doonayaan inay kaga sifeeyaan Alshabaab gobolada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili dhinaca kale Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud laga soo calaamadeynayo Guluf Colaadeed oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Maleeshiyada Ahlusunna Waljamaaca oo ay dhinac socdaan Ciidanka Itoobiya.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.