HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ugandha oo kullan ku yeeshay Magaalada Kampala.

25.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Ugandha ayaa kullamo aad u xasaasi ah Magaalada Kampala ee dalka Ugandha habeenimadii xalay ku yeeshay sida uu shaaciyey Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ugandha.

Sayid Axmed oo ah Danjiraha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban dalka Ugandha ayaa ka warbixiyey kullan ay wada qaateen habeenimadii xalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni.

Danjiraha ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo quseeya labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa tababar siinta Ciidamada Meleteriga, Booliska iyo kuwa Nabad sugida Soomaaliya iyo adkeynta Xiriirka labada dal.

Sidoo kale Danjiraha dowladda Soomaaliya ee wadanka Ugandha u jooga Sayid Axmed waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kullan la qaatay Jaaliyada Soomaalida dalkaasi wuxuuna ka dalbaday inay taageeraan dowladda Soomaaliya kana shaqeeyaan sidii dalka Ugandha oo ay ku nool yihiin xaqiijinta amaanka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ugu danbeyntii tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay Madaxweynaha Cusub Soomaaliya waxa uu booqasho kala duwan ku kala bixiyey dalal kala duwan oo Yurub iyo Afrika ka mid ah isagoo hadda booqashadiisii ugu dambeysay ku jooga Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.