Madaxda Sare ee dalka Soomaaliya oo xiisaynaya in Faroole looga adkaado kacdoonka ka socda Puntland.
26.Dec.2012.Homelandmedia.Net,Muranka siyaasadeed ee ka dhextaagan Faroole iyo mucaaradka Puntland ayaa lagu tilmaami karaa mid salka ku haya aano siyaasadeed oo ka dhalatay mudo kororsi aan sharciga ku dhisneyn oo ku dhawaaqay C/raxmaan Faroole waxaana dabadani ka cabsi qabaan in ay ka dhalato qalalaaaso siyaasdeed oo horseedi kara gamco ka hadal.
Masuuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka ee dalka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh,Ra'iisal wasaare DR.saacid iyo Gudoomiya baarlaamka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa gedigood xiisaynaya in Faroole looga taqaluso muranka siyaasdeed ee ka hadda ka dhex aloolsan maamulka Puntland iyo kooxa mucaaradka.
Madaxda sare ee dalka soomaaliya ayaa rumaysan in Faroole uu ka mid yahay qaswadayaasha uu ka degi la'yahay dalka Soomaaliya waxayna hoos ugu guuxayaan in dalka soomaaliya uu galay isbadal siyaasadeed.Puntland-na looga fadhiyo isbad dhab ah.
Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa u arka Faroole shakhsi aan u muuqanin in uu u hogaansamayo Dastuurka iyo Axdi qarameedka maamul goboleedka Puntland waxayna sheegeen inuu ka doorbidayo in uu sii dheeraysto Damaciisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu ku hogaamiyo Puntland, waxaana Muuqata Xilligaan in Faroole ay aad ugu yartahay taageerada uu ka haysto Shacabka taasina ay keenayso in uu isticmaalo awood ka dhan ah cid walba oo ka hadasha ama faragalisa maamulkiisa.
Faroole ayaa ku hanweyn in uu awood melateri isticmaalo waxuuna dhawaan xabsiga dhigay oday dhaqameedyo aad looga yaqaano deegaanada Puntland waxaana ka dhashay banaanbaxyo rabshado wata,
C/rxmaan Faroole Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa aaminsanaa in lagala tashado cida noqonaysa ra iisalwasaaraha Soomaaliya taasi oo intii aanu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud Magacaabin Ra iisalwasaare Saacid oo aad isugu dayay in uu ka dhaadhiciyo Madaxweyne xasan sheekh balse in Faroole uu soo magacaabo ra'iisal wasaaraha cusub wuuna ku fashilfmay riyadaasi.
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale