HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Cali Khaliif Galeyr “Waxaan Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaa Shacabka Khaatumo State..”.

26.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Siyaasiga Caanka ah Prof: Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan dib uga soo noqday Dalka Mareykanka kana mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya u matalo shacabka Maamul goboleedka Khaatumo State.

Prof: Cali Khaliif Galeyr oo xubin sare ka ah Maamulka Khaatumo State ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin ka siiyey Jaaliyada Khaatumo ee Magaalada Menessota dalka ee Mareykanka.

Siyaasigan ayaa tibaaxay in Safarkiisii Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya uu guul ugu soo dhammaaday ka dib sida uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ku jiraan Xildhibaano u dhaartay in ay matalaan Shacabka Khaatumo State oo uu isagu ka mid yahay.

“Waxaan Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaa Shacabka Khaatumo State..” ayuu yiri Prof: Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo la hadlayay Jaaliyada Khaatumo ee ku nool Magaalada Minessota ee Dalka Mareykanka.

Sidoo kale Haddalka Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waxaa si diiran oo kal iyo laab xambaarsan u soo dhaweeyey Jaaliyada Khaatumo ee ku dhaqan Magaalada Minessota ee dalka Mareykanka maadaama uu ka dhawaajiyey siyaasigu xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya inuu u matalo dadka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Khaatumo State islamarkaana u talalin xubinimadiisa Soomaaliweyn sida ka muuqata hadaladiisa.

Prof: Cali Khaliif Galeyr oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dowladdii Nasiibka xumeyd ee Carta ayaa sidoo kale waxa uu u sharaxnaa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa uga guuleystay Prof: Maxamed Cismaan Jawaari oo xiligaasi si aad ah siyaasadiisa u taageeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ugu danbeyntii Baarlamaanka Cusub Soomaaliya oo dad badan ay filayeen in ay ka gudbi doonaan hanaanka difaaca ama u hadlida Qabiilada ay ka soo jeedaan ayaa hadda u muuqanaya kuwo qaab qabiil wajiyo cusub leh la soo baxay iyadoo Xubin walibana uu xubinimadiisa Baarlamaanka Soomaaliya ku taageerayo Beesha uu ka soo jeedo, lase arki doonee.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.