HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Jaaliyada Soomaalida Kenya oo Amaan u soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh ka dib Safarkii..

26.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan socdaal 5 maalmood qaatay ku tagay dalalka Kenya iyo Ugandha ayaa socdaalkii uu ku tagay Magaalada Neyroobi ee Caasimada Kenya waxa uu halkaasi kullamo xasaasi ah kula qaatay Madaxda dalka oo uu ugu horeeyey Mwai Kibaki iyo Jaaliyada Soomaalida ee dalka Kenya isagoo kala hadlay xaalada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa marka hore Dowladda Kenya ku amaanay taageerada ay ka siiyaan dowladda Soomaaliya xagga la dagaalanka Alshabaab iyo qaxootiga badan ee ku sugan dalkooda kuwaasoo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya qaxooti badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin gudaha dalka Kenya iyo xerooyinka dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa dalka Kenya ka dalbaday in loo turo loo naxo Qaxootiga Soomaalida, wuxuuna dalka Kenya ka dalbaday in la amaan geliyo Soomaalida ku ganacsata Xaafada Islii Magaalada Neyroobi oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ku soo laablaabteen taasoo saamayn ku yeeshay adeegyada ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka Soomaalida ku nool xaafadaasi.

Dhinaca kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay mid  ku soo aaday xili aad loogu baahnaa waxayna uga mahadceliyeen sida Soomaalinimada ay ku jirto oo uu ku wajahay Xaaladaha cakiran ee ka jirta Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya oo dhawaan dowladda Kenya ugu baaqday inay ka baxaan gudaha dalka Kenya.

Ugu danbeyntii amaanta Jaaliyada Soomaalida Kenya u jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili maalintii shalay dib ugu laabtay Wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.