HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmaya.

26.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Wararka naga soo gaaraya caasimada magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Xarunta golaha Shacabka ku kulmayaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida wararku nagu soo gaarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta maalintii saddexaad kulmaya, iyagoo ka doodaya miisaaniyada Dowladda ee Sanadka Cusub 2013-da.

Wararka laga helayo Xarunta golaha Shacabka ayaa tilmaamaya inuu ku saabsan yahay kullanka maanta sidii isbedel loogu samayn lahaa Miisaaniyada dowladda ee Sanadka Cusub 2013-da.

Ma cadda waxyaabaha sida rasmiga ah uga soo bixi kara kullanka maanta iyadoo kullankii maalintii shalay iyo maalintii daraad ay yeesheen xildhibaanada booq iyo is qabqabsi ku dhammaaday.

Wixii ku soo kordha kala soco Homelandmedia.net Insha Allaah.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.