HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dowladda oo Cafis u fidisay Xoogaga Alshabaab.

26.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa mar kale shaacisay inay cafis u fidinayaan Xoogaga Alshabaab ay hadda wixii ka dambeeya ay Cafis yihiin Dagaalyahanada ka barbar dagaalanta Alshabaab ee Soomaalida ah.

Taliyaha Ciidanka Miletariga Soomaaliya Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in Xoogaga Alshabaab ee laga saaray Muqdisho iyo gobolada kale ay ku sugan yihiin duur cidlo ah, isagoo tilmaamay in xiligan loo baahan yahay in ay ka faa’iideystaan Cafiskaasi loo fidiyey Xoogaga ka tirsan Alshabaab ee Soomaalida ah

Janaraalka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in Ciidanka dowladda ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan dhalinyarada dib uga soo baxaysa ka mid ahaanshiyaha Xarakada Alshabaab waa haddii ay ka tanaasulaan waxyaabihii hore sida uu warka u dhigaye.

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ooh ore ku celcelisay inay Cafis u fidinayaan dhalinyarada Alshabaab haddii ay ka soo baxaan kuna soo biiraan dowladda Cusub.

Ugu danbeyntii hadalkan ayaa imaanaya xili Guddoomiyaha Xarakada Alshabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen uu wacad ku maray in dhawaan dagaalo culus ka geysan doonaan Caasimada magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.