HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Magaalada Mandheera.

27.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ka soo baxayaa qarax ka dhacay Magaalada Mandheera ee waqooyi Bari dalka Kenya waxaana qaraca uu ka dhacay goob sida la sheegay ka socotay Damaashaad Kalaab lagu caweeyo, halkaasoo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay hal ruux saddex kale way ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Mandheera.

Waxaa la sheegay in qaraxyadaasi ay ahaayeen bam gacmeedyo lagu tuuray goob kalaab ah oo lagu damashleynayay iyadoo dadka dhaawacmay ay isugu jiraan rayid iyo ciidamada Kenya oo halkaasi ku sugnaa.

Qaraxyadaasi kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Amaanka dalka Kenya waxayna ay bilaabeen inay baaritaano ay ku baadi goobayaan cida qaraxa ka dambeysa waxaa la sheegay inay tiro dad ah u soo qabteen.

Dalka Kenya waxaa ku sii kordhaya weerarada qaraxyada iyo dilalka lala beegsanayo Ciidamada iyo dadka Kenyaatiga ah iyadoo xarakada alshabaab marar badan ku celceliyeen inay sii wadi doonaan weerarada Qaraxyada gudaha dalka Kenya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.