HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Xildhibaan Dalxa oo ugu baaqay Madaxda dowladda inay bixiyaan Mushaarka Ciidanka.

27,Dec,2012.Homelandmedia.Net.Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha ugu afka dheer Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ugu baaqay madaxda sare dowladda Federaalka Soomaaliya inay bixiyaan Mushaarka Ciidanka dowladda oo uu tilmaamay inay dagaalo culus kula jiraan Xarakada alshabaab.

Maxamad Cumar Dalxa oo la hadlay Idaacadaha Maxaliga Muqdisho ayaa sheegay ujeedka ay u diideen Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2013 in aysan Wasaarada Maaliyada ku xusin Mushaarka buuxa ee la siinayo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya xili uu tilmaamay inay dagaalo adag kula jiraan Dagaalyananada Xarakada Hubeysan ee Alshabaab.

“Mushaar joogta ah oo la siiyo ciidanka dowladda ma jirto waana ayaan daro in Askari dhiigiisa ku qubanaya difaaca dalka in la duudsado mushaarkooda oo ay qaataan madaxda dowladda” ayuu yiri Prof: Maxamed Cumar Dalxa oo mar kale ugu baaqay Madaxda sare dowladda inay bixiyaan Mushaar joogta ah oo la siiyo qeybaha kala duwan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya si ay waajibaadkooda shaqo u gutaan sida uu yiri.

Ugu danbeyntii hadalka Prof: Dalxa ayaa ku soo beegmaya xili Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka cabanayaan Mushaar la’aan iyagoo tlmaamay in wax mushaar joogta ah aan la siin hase yeeshee sanadkii mar ama laba jeer gunooyin yar oo aan ka badnayn min $200 la siiyo taasoo aan dabooli Karin baahida Askarta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.