Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Sheekh Caan ah oo lagu xiray Dalka Kenya.27.Dec.2012
27.Dec.2012.Homelandmedia,NetFaahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Sheekh Xasan Xuseen oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa oo Ciidamada amaanka Kenya xabsiga u taxaabeen kadib markii ay ku eedeeyeen inuu qeyb ka yahay qaraxyada iyo falalka amaan darida ah ee ka taagan Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Sida wararku sheegayaan Ciidanka Booliska Kenya ayaa sheegay in Sheekh Xasan Xuseen Abuu-salma ku jiro Xabsi ku yaala Magaalada Neyroobi loona heysto eedeymo ka dhanka ah abaabulida qaraxyada iyo dilalka ka dhaca dalkaasi sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay sheegeen Saraakiishu in Sheekha la soo taagi doono Maxkamad haddii lagu helo eedeymaha loo heysto haddii lagu waayana xoriyadiisa dib uu u heli doono.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Ciidanka Amaanka Kenya xabsiga u taxaabaan Sheekh Xasan Xuseen Abuu-Salma oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ku nool Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale