HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya.

27.Dec.2012.Homelandmedia.Net.Bayaan laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Mareykanka  ayaa mar kale looga digay Muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi inay ku safraan dhanka Badda iyo Bariga dalka Soomaaliya.

Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka bayaanka ay soo saartay ayay ku sheegtay in aan wali la isku halayn Karin amaanka dalka Soomaaliya xili ay socdaan dagaalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale Wasaarada waxay tilmaamay inay wali sii socdaan Qaraxyada iyo falalka dilalka iyo xaalado kale oo aan la isku halayn Karin oo ka jira deegaanadii ugu dambeeyey ee lagagala wareegay dagaalyahanada Xarakada alshabaab.

Bayaankan oo ah midkii labaad oo muwaadiniinta Mareykanka looga digaayo in ay u soo safraan Soomaaliya waxay timid 6 bilood kadib Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ay ka hadashay xaalada dalka Soomaaliya oo wali colaado ay ka jiraan.

Ugu danbeyntii dowladda Mareykanka warsaxaafadeedkeeda ayay ku sheegtay in muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya inay la xiriiri karaan Safaarada ugu dhow ee Kenya ku leeyihiin si loo caawiyo.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.